Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:41-48

WAW.

41 Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu
Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
42 Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya,
Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
43 Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn,
Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
44 Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga
Weligay iyo weligayba.
45 Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad,
Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
46 Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda,
Mana ceeboobi doono.
47 Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada
Aan jeclaaday.
48 Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday,
Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

Maahmaahyadii 16:1-20

16 Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh,
Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.
Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga,
Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.
Shuqulladaada Rabbiga ku aamin,
Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.
Rabbigu wax kastuu isu abuuray,
Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.
Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo,
Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.
Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run,
Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.
Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis,
Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.
Wax yar oo xaqnimo la jirto
Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.
Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada,
Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.
10 Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka,
Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.
11 Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh,
Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.
12 Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan.
Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.
13 Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan,
Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.
14 Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed,
Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.
15 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta,
Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
16 In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo!
In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.
17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan,
Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba',
Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
19 In kuwa kibirsan booli lala qaybsado
Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.
20 Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa,
Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.

Matayos 19:16-22

Nin Dhallinyar Oo Hodan Ah Baa Doonayay Nolosha Weligeed Ah(A)

16 Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo? 17 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr. 18 Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin. 19 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay. 20 Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman? 21 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22 Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya