Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Laawiyiintii 19:1-2

Qaynuunno Kala Duwan

19 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.

Laawiyiintii 19:15-18

15 Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah. 16 Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 17 Waa inaadan walaalkaa qalbiga ka nebcaan, oo sida xaqiiqada ah waa inaad deriskaaga canaanataa, yaadan isaga daraaddiis dembi u qaadane. 18 Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Sabuurradii 1

SABUURRADII

Kitaabka Kowaad

Sabuurrada 1-41

Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.

1 Tesaloniika 2:1-8

Bawlos Wuxuu Daafacay Shuqulkii Loo Soo Diray

Waayo, walaalayaalow, waxaad og tihiin imaatinkayagii aannu idiin nimid inuusan noqon mid aan waxtar lahayn. Laakiinse annagoo awil aad ugu xanuunsannay oo lanagu ceebeeyey Filiboy, sidaad og tihiin, waxaannu ku dhiirranaannay Ilaaheenna inaannu injiilka Ilaah idiin sheegno annagoo dhib badan ku jirna. Waayo, waanadayadu kama iman qalad ama wasakh ama khiyaano, laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama. Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah. Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa. Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso. Sidaas daraaddeed, annagoo aad idiin jecel, ayaannu ku faraxnay inaannu wax idin siinno, mana aha injiilka Ilaah oo keliya, laakiinse xataa naftayada, maxaa yeelay, waxaad noo noqoteen kuwo aan jecel nahay.

Matayos 22:34-46

Qaynuunka Ugu Weyn(A)

34 Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen. 35 Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi, 36 Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn? 37 Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. 38 Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya. 39 Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 40 Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.

Wax Masiixa Ku Saabsan(B)

41 Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey, 42 oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud. 43 Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,

44 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi,
Midigtayda fadhiiso,
Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

45 Haddaba Daa'uud hadduu ugu yeedhay isaga Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay? 46 Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya