Revised Common Lectionary (Complementary)
SABUURRADII
Kitaabka Kowaad
Sabuurrada 1-41
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
Erayada Kale Oo Kuwa Caqliga Leh
23 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen.
In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
24 Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay,
Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
25 Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan,
Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
26 Kii jawaab qumman ku jawaabaa
Bushimuhuu dhunkadaa.
27 Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso,
Oo beerta ku diyaarso,
Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
28 Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin,
Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
29 Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa,
Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
30 Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa,
Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
31 Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan,
Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob,
Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
32 Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday,
Waan fiiriyey oo wax ka bartay.
33 Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa,
Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,
34 Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale,
Oo baahina sida nin hub sita oo kale.
39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
41 Anigu dadka ammaan kama qaato. 42 Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin. 43 Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan. 44 Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah? 45 Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen. 46 Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray. 47 Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya