Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 23

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

23 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis,
Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Naftayda wuu soo celiyaa.
Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada,
Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa,
Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis,
Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis,
Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

Ishacyaah 24:17-23

17 Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin. 18 Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa. 19 Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay. 20 Dhulku wuxuu u dhicdhici doonaa sida nin sakhraansan, oo waxaa loo dhaqdhaqaajin doonaa sida buul oo kale. Xadgudubkiisuna wuu ku cuslaan doonaa, oo wuu dhici doonaa, oo mar dambena sooma kici doono.

21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa in Rabbigu ciidanka kuwa sare kor ku ciqaabi doono, oo boqorrada dunidana dhulkuu ku ciqaabi doonaa. 22 Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa. 23 Oo markaasaa dayaxu isku qasmi doonaa, oo qorraxduna way ceeboobi doontaa, waayo, Rabbiga ciidammadu boqor buu ku ahaan doonaa Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, isagoo odayaashiisa hortooda sharaftiisa ka muujinaya.

Markos 2:18-22

Wax Soonka Ku Saabsan(A)

18 Xertii Yooxanaa iyo Farrisiintii ayaa soomi jiray. Isagay u yimaadeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertii Yooxanaa iyo xertii Farrisiintu maxay u soomaan oo ay xertaadu u soomi weydaa? 19 Markaasaa Ciise ku yidhi, Dadka aroosku miyay soomi karaan intuu aroosku la joogo? In alla intii aroosku la joogo ma ay soomi karaan. 20 Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan maalintaas. 21 Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, haddii kale tan cusub ee lagu buuxin lahaa ayaa ka go'da kan duug ah, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa. 22 Khamri cusubna qarbeddo duug ah laguma shubo, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamriga cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya