Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markii uu asluubtiisa ku hor beddelay Abiimeleg oo isaga eryay, dabadeedna wuu iska tegey.
34 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa,
Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
2 Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga,
Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
3 Rabbiga ila weyneeya,
Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
4 Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay,
Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
5 Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen,
Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
6 Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay,
Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
7 Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo weliba way samatabbixisaa.
8 Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay,
Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
9 Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada,
Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta,
Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel,
Oo cimriga dheer doonayaa,
Si uu wanaag u arko?
13 Carrabkaaga shar ka jooji,
Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee,
Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya
Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan,
Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin,
Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan,
Oo middoodna ma jabna.
21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh,
Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa,
Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.
10 Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga,
Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.
11 Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee,
Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.
12 Aynu aroor hore beercanabyada tagnee,
Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen,
Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale;
Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.
13 Ubixii duudaygu way soo carfayaan,
Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh,
Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.
8 Haddaad ahaan lahayd walaalkay
Oo naasihii hooyaday nuugay,
Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa.
Oo innaba layma quudhsadeen.
2 Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday,
Wax baadna i bari lahayd.
Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh
Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.
3 Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd,
Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
4 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa
Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin,
Ilaa uu doono.
25 Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?
Kibista Nolosha
26 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Iima doondoontaan calaamooyinkii aad aragteen aawadood ee waa kibistii aad cunteen oo aad ka dheregteen aawadeed. 27 Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey. 28 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Maxaannu yeelnaa si aannu shuqullada Ilaah u samayno? 29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray. 30 Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa? 31 Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen [a]maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan. 32 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah. 33 Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya. 34 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii. 35 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya