Revised Common Lectionary (Complementary)
96 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana,
Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega,
Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
4 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano.
Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
5 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo,
Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
6 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin,
Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
7 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana,
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
8 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay,
Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
9 Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
10 Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya,
Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin,
Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo,
Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
12 Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
13 Waayo, isagu waa imanayaa,
Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo.
Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana runtiisa.
3 Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay, 4 ayaad boqorka Baabuloon ku soo maadsan doontaa, oo waxaad ka odhan doontaa, Kii wax dulmi jiray sidee buu u dhammaaday! Magaalada gabbaro qaadan jirtay sidee bay u idlaatay! 5 Rabbigu wuxuu jebiyey hangoolkii kuwa sharka leh, iyo ushii taliyayaasha. 6 Kii isagoo cadhaysan dadka ku dhufan jiray darbado joogta ah, oo quruumaha u talin jiray isagoo xanaaqsan waa la silciyaa iyadoo aan ciduna ka hor joogsan. 7 Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa. 8 Dhirta berooshka ah iyo geedaha kedarka ah ee Lubnaanba way kugu reyreeyaan, oo waxay yidhaahdaan, Tan iyo waagii aad dhacday ninna nooma soo kicin inuu na jarto. 9 She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii. 10 Oo iyana dhammaantood waxay kugu odhan doonaan, War adiguna ma sidayadoo kalaad u taag gabtay? Oo ma annagoo kalaad noqotay? 11 Sarrayntaadii iyo dhawaaqii shareeradahaagaba waxaa hoos loogu soo dejiyey She'ool, waxaa hoos lagaaga goglay dixiri, korkana waxaa lagaa huwiyey dixiri.
Dhimashadii Yooxanaa Baabtiisaha(A)
14 Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, 2 oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan. 3 Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed. 4 Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid, 5 oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale. 6 Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay. 7 Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba. 8 Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 9 Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo. 10 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay. 11 Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay. 12 Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya