Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 144

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

144 Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah,
Oo gacmahayga dagaalka bara,
Farahaygana dirirta bara,
Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda,
Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo,
Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn,
Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac,
Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi,
Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
Gacantaada kor ka soo fidi,
Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan,
Iyo gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.

Gabaygii Sulaymaan 8:5-14

Saaxiibadaha Hadlayaa

Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa,
Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

Gacalisada Hadlaysaa

Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis.
Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay,
Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale,
Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale,
Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale.
Belbelkiisu waa sida belbel dab ah,
Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
Biyo badanu jacayl ma demin karaan,
Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan.
Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan,
Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Annagu waxaannu leennahay walaal yar,
Oo aan innaba naaso lahayn.
Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa
Maalintii iyada guur loo soo doonto?
Hadday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah,
Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah.

Gacalisada Hadlaysaa

10 Anigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale.
Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.
11 Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa;
Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra,
Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.
12 Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal,
Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun,
Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.

Gacaliyaha Hadlayaa

13 Taada beeraha dhexdooda degganay,
Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga,
Haddaba, bal i maqashii.

Gacalisada Hadlaysaa

14 Gacaliyahaygow, dhaqso,
Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah
Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

Yooxanaa 11:45-57

Wadaaddadii Sare Shirqool Bay Ciise U Dhigeen(A)

45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay. 46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.

47 Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye. 48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna. 49 Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan, 50 oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin. 51 Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono, 52 quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan. 53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.

54 Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay. 55 Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan. 56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa? 57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya