Revised Common Lectionary (Complementary)
7 Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
8 Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay,
Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
9 Meel baad hortiisa ku diyaarisay,
Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
10 Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii,
Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda,
Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
12 Bal maxaad deyrkiisii u dumisay
Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
13 Waxaa kharriba doofaarka kaynta,
Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo,
Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
15 Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay,
Iyo laantii aad adkaysatay.
14 Dalka Israa'iil ma addoon baa, mase waa bidde guriga ku dhashay? Maxaa isaga loo kala boobay? 15 Libaaxyo qayrabyo ah ayaa ku ciyey, oo codkoodiina way dheereeyeen, oo dalkiisiina way baabbi'iyeen, oo magaalooyinkiisiina way gubteen oo ciduna ma deggana. 16 Oo waxaa dhalada kaa jebiyey reer Nof iyo reer Taxfanees. 17 Sow adiga qudhaadu isuma aad keenin belaayadan, waayo, waxaad ka tagtay Rabbiga Ilaahaaga ah markuu jidka kugu hagayay? 18 Oo haatan bal maxaad ka samaynaysaa jidka Masar inaad cabto biyaha Shiixoor? Amase bal maxaad ka samaynaysaa jidka Ashuur inaad cabto biyaha Webi Yufraad? 19 Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan. 20 Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale. 21 Laakiin waxaan kuu beeray canab wacan, oo kulligiis abuur wanaagsan ah, haddaba sidee baad ugu beddelantay inaad igu noqotid canab ba'ay oo qalaad? 22 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aad soodhe isku maydhid, oo aad saabuun iska badisid, weli xumaantaadii sida calaamad oo kale bay ii muuqataa.
16 Haddaba ninna yuusan idinku xukumin wax ku saabsan cunto ama cabbid ama maalin iid ah ama bil dhalatay ama maalmaha sabtida, 17 kuwaas oo ah hooska waxyaalaha iman doona, laakiinse jidhka waxaa iska leh Masiixa. 18 Ninna yuusan abaalgudkiinna idinka dulmin isagoo idin oggolaysiinaya is-hoosaysiinta iyo malaa'ig caabudidda, oo dhex gelaya waxyaalaha uusan arkin, oo micnela'aan ugu kibraya maankiisa aadmiga, 19 oo aan xajisanayn Madaxa jidhka oo dhammu wax ka helo, oo xubnaha iyo seedaha isku haysta, oo kordhinta Ilaah ku kordha.
Nolosha Cusub Oo Ciise Masiix
20 Haddii aad Masiixa kala dhimateen waxyaalaha dunida ugu horreeya, maxaad sidii idinkoo dunida ku nool isaga hoosaysiisaan qaynuunnada, 21 kuwaas oo leh, Ha qaban, Ha dhadhamin, Ha taaban? 22 Waxyaalahaas oo dhan ayaa isticmaal ku wada baabba'aya. Qaynuunnadu waxay ka yimaadeen amarrada iyo cilmiga dadka. 23 Waxyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya