Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
28 Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa,
Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin,
Waaba intaas oo haddaad iga aamusto,
Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.
2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado,
Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh,
Iyo xumaanfalayaasha
Oo deriskooda nabadda kula hadla,
Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4 Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay,
Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay,
Oo waxa ay galabsadaan sii.
5 Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe,
Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii
Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga,
Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey,
Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey,
Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8 Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog,
Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee,
Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
Dhimashadii Samsoon
23 Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen. 24 Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah. 25 Oo markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda. 26 Markaasuu Samsoon ku yidhi yarkii hagayay, Bal i daa aan taabtee tiirarka gurigu ku taagan yahaye, oo aan ku tiirsadee. 27 Oo gurigana waxaa ka buuxay rag iyo dumarba, oo amiirradii reer Falastiin oo dhammuna halkaasay wada joogeen; saqafkana waxaa dul joogay dad ku dhow saddex kun oo rag iyo dumarba leh, oo daawanayay intuu Samsoon cayaarayay. 28 Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood. 29 Markaasuu Samsoon qabsaday labadii tiirdhexaad oo gurigu ku taagnaa, wuuna ku tiirsaday, oo mid wuxuu ku qabsaday gacantiisii midig, kii kalena wuxuu ku qabsaday bidixdiisii. 30 Markaasuu Samsoon yidhi, Aan reer Falastiin la dhinto. Oo wuxuu la foororsaday itaalkiisii oo dhan, gurigiina wuxuu ku dhacay amiirradii iyo dadkii ku jiray oo dhan. Sidaasay kuwuu markuu dhintay laayay uga sii badnaayeen kuwuu laayay markuu noolaa. 31 Markaasay walaalihiis iyo reer aabbihiis oo dhammu soo dhaadhaceen, oo intay qaadeen isagii ayay keeneen oo ku aaseen meel u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool, taasoo ahayd xabaashii aabbihiis Maanoo'ax. Oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.
2 Kolkaasay waxay u keeneen nin curyaan ah oo sariir ku jiifa. Ciise oo rumaysadkooda arka ayaa ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, kalsoonow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin. 3 Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa. 4 Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna? 5 Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco? 6 Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag. 7 Markaasuu kacay oo gurigiisii tegey. 8 Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya