Revised Common Lectionary (Complementary)
147 Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
2 Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa,
Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
3 Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay,
Oo nabrahoodana wuu duubaa.
4 Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda,
Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
5 Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay,
Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
6 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow,
Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
7 Rabbiga mahadnaqid ugu gabya,
Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
8 Kaasoo samada daruuro ku qariya,
Oo dhulka roob u diyaarsha,
Buurahana doog ka soo bixiya.
9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka,
Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska,
Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada,
Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.
10 Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa,
Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.
11 Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa,
Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.
12 Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha,
Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.
13 Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa,
Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.
14 Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa,
Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.
15 Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga,
Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.
16 Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa,
Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.
17 Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada,
Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
18 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa,
Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
19 Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa,
Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.
20 Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta,
Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.
21 Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo,
Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.
2 Bal ogaada, aniga oo Bawlos ah waxaan idinku leeyahay, Haddii laydin gudo, Masiixu waxba idiin tari maayo. 3 Waxaan haddana ugu markhaati furayaa, nin kasta oo la gudo, waxaa ku waajib ah inuu sharciga oo dhan sameeyo. 4 Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen. 5 Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada. 6 Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl. 7 Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin? 8 Taladanu kama iman kan idiin yeedhaya. 9 In yar oo khamiir ah cajiinka oo dhan bay khamiirisaa. 10 Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba. 11 Laakiin, walaalayaalow, haddii aan anigu weli gudniinta wax ku wacdiyo, maxaa weli la ii silciyaa? Haddaba xumaan-u-qaadashada iskutallaabtu waa dhammaatay. 12 Waxaan jeclaan lahaa in kuwa idin wareeriyaa ay isgooyaan.
Xorriyadda Waa In Jacaylku Xukumo
13 Waayo, walaalayaalow, waxaa laydiinku yeedhay xorriyad, laakiin xorriyaddiinna jidhka marmarsiinyo ha uga dhigina, laakiin midkiinba midka kale kalgacayl ha ugu adeego. 14 Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay. 15 Laakiin haddaad isqaniintaan oo iscuntaan, iska dhawra yeydnan isbaabbi'in.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya