Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 77

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.

77 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa,
Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka,
Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan,
Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa,
Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
Indhahaygii waad soo jeedisay,
Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
Waxaan ka fikiray wakhtigii hore,
Iyo sannadihii waa hore ahaa.
Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga,
Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga,
Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
Sayidku weligiisba ma i xoorayaa?
Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba?
Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan?
Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
10 Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda,
Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa,
Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan,
Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah,
Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya,
Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay,
Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen,
Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen,
Oo moolalkuna way gariireen.
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen,
Cirkuna wuxuu diray dhawaaq,
Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta,
Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida,
Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
19 Jidkaaguna badduu dhex maray,
Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan,
Oo raadadkaagana lama aqoon.
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale,
Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.

Ayuub 5:8-27

Aniguse Ilaah baan baryi lahaa,
Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,
Kaasoo sameeya waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin,
Iyo waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin,
10 Oo dhulka roob ku di'iya,
Beerahana biyo u soo dira.
11 Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa,
Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.
12 Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada,
Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii.
13 Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa;
Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.
14 Oo maalinnimada ayay gudcur helaan,
Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.
15 Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda,
Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.
16 Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay,
Xumaantuse afkeeday xidhaa.
17 Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto,
Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
18 Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa;
Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.
19 Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato,
Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.
20 Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa,
Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.
21 Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka;
Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.
22 Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta,
Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.
23 Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka,
Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.
24 Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay,
Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.
25 Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono,
Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.
26 Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa,
Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.
27 Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay,
Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.

1 Butros 3:8-18

Jixinjixa Masiixiyiinta

Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya. Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

10 Kii doonaya inuu nolol jeclaado,
Oo arko maalmo wanaagsan,
Carrabkiisa shar ha ka joojiyo,
Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.
11 Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo;
Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;
12 Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda;
Laakiin wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya.

Waa In Xaqdarrada Loo Adkaysto

13 Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona? 14 Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina. 15 Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba, 16 idinkoo qalbi wanaagsan leh, in markii wax xun laydinka sheego, ay ceeboobaan kuwa caaya dabiicaddiinna wanaagsan ee xagga Masiixa ah. 17 Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda. 18 Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya