Revised Common Lectionary (Complementary)
12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa,
Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa,
Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda,
Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga,
Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon,
Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii,
Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
18 Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda,
Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.
19 Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah,
Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,
20 Inuu maqlo taaha maxbuuska,
Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
21 Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda,
Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,
22 Markii dadyowgu isu soo wada ururaan,
Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.
23 Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka,
Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.
24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah,
Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay,
Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa,
Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale,
Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba,
Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
28 Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan,
Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
Ayuub
6 Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,
2 Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa,
Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
3 Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha,
Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.
4 Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira,
Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa,
Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
5 Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto?
Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
6 Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa?
Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?
7 Naftaydu way diidaa inay taabato,
Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.
8 Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo,
Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
9 Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo,
Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!
10 Markaas waan istareexi lahaaye,
Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn,
Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.
11 Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed?
Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
12 War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa?
Mise jidhkaygu ma naxaas baa?
13 War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn?
Sowse xigmaddu igama fogaan?
Dad Kaloo La Bogsiiyey
7 Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya, 8 iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen. 9 Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin. 10 Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga. 11 Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. 12 Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya