Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
4 Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
Yaaraabcaam Oo Ku Caasiyoobay Sulaymaan
26 Oo waxaa kaloo jiray Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa reer Efraad oo Sereedaah degganaa, kaasu wuxuu ahaa Sulaymaan addoonkiisa, oo hooyadiis magaceeda waxaa la odhan jiray Seruucaah, waxayna ahayd naag carmal ah, oo isna gacantuu boqorka u qaaday. 27 Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud. 28 Oo ninkii Yaaraabcaamna wuxuu ahaa nin xoog leh; markaasaa Sulaymaan wuxuu arkay in ninka dhallintayaru yahay nin aad u shaqeeya, kolkaasuu madax uga dhigay hawshii reer Yuusuf oo dhan. 29 Oo waagaas waxay noqotay, markii Yaaraabcaam Yeruusaalem ka tegey, inuu Nebi Axiiyaah oo ahaa reer Shiiloh isagii jidka ka helay, oo Axiiyaahna dhar cusub buu qabay, oo labadooda keliya ayaa berrin joogay. 30 Markaasaa Axiiyaah qabsaday dharkii cusbaa oo uu qabay, oo wuxuu u kala jeexjeexay laba iyo toban meelood. 31 Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa, 32 (laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed;) 33 maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale. 34 Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii. 35 Laakiinse boqortooyada waxaan ka qaadayaa wiilkiisa oo adigaan ku siinayaa toban qabiil. 36 Oo wiilkiisana waxaan siinayaa qabiil keliya in addoonkaygii Daa'uud had iyo goorba hortayda laambad ku haysto Yeruusaalem dhexdeeda, taasoo ah magaaladii aan u doortay inaan magacayga halkaas dhigo. 37 Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa. 38 Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa. 39 Oo taas aawadeed Daa'uud farcankiisa waan dhibayaa laakiinse dhibka ku waarin maayo. 40 Sidaas daraaddeed Sulaymaan wuxuu damcay inuu Yaaraabcaam dilo; laakiinse Yaaraabcaam wuu kacay, oo wuxuu u cararay dalka Masar, oo u tegey Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar, oo tan iyo markii Sulaymaan geeriyooday ayuu dalka Masar iska joogay.
Dhibaatooyinka Iyo Libta Xagga Injiilka
12 Markaan Taroo'as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay, 13 ruuxaygu ma nasan, waayo, ma aan helin walaalkay Tiitos, laakiin iyagaan nabadgelyeeyey oo Makedoniyaan u kacay. 14 Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya. 15 Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba; 16 kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan? 17 Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya