Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
4 Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
Wax Sii Sheegiddii Axiiyaah Ee Ka Geesta Ahayd Yaaraabcaam
14 Oo waagaas ayaa Abiiyaah oo ahaa ina Yaaraabcaam bukooday. 2 Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu bilcantiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kac oo isbeddel, oo yaan lagu aqoon inaad tahay bilcantii Yaaraabcaam; oo waxaad tagtaa Shiiloh, waayo, halkaas waxaa jooga Nebi Axiiyaah oo ii sheegay inaan dadkan boqor u ahaanayo. 3 Oo waxaad qaaddaa toban xabbadood oo kibis ah, iyo buskuddo, iyo ubbo malab ah, oo isaga u tag; oo wuxuu kuu sheegi doonaa waxa wiilka ku dhici doona. 4 Oo Yaaraabcaam bilcantiisiina sidaasay yeeshay, oo waxay u kacday Shiiloh oo gurigii Axiiyaah bay timid. Haddaba Axiiyaah waxba ma arki karin, waayo, indhihiisii waxay la dhaceen dugow aawadiis. 5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Bal eeg, Yaaraabcaam bilcantiisii ayaa kuugu imanaysa inay ku weyddiiso wax ku saabsan wiilkeeda, maxaa yeelay, isagu wuu bukaa; haddaba iyada saas iyo saas ku dheh; waayo, markay kuu timaado waxay iska dhigaysaa naag kale. 6 Oo markii Axiiyaah maqlay sanqadhii cagaheeda, markii ay albaabka soo gashay ayuu ku yidhi, Soo gal, Yaaraabcaam bilcantiisay, maxaadse isaga dhigaysaa mid kale? Waayo, waxaa la iigu soo kaa dhiibay war xun. 7 Haddaba tag, oo Yaaraabcaam waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu dadka oo dhan waan kaa sara mariyey, oo waxaan amiir kaaga dhigay dadkaygii Israa'iil, 8 oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya, 9 laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada. 10 Sidaas daraaddeed, bal ogow, shar baan ku soo dejin doonaa reer Yaaraabcaam, oo Yaaraabcaam waxaan ka baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan, oo reer Yaaraabcaam oo dhanna waan xaaqi doonaa ilaa uu wada baabbo'o sida digo dibadda loogu xaaqo. 11 Oo Yaaraabcaam dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada, waayo, Rabbigu saasuu ku hadlay. 12 Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa. 13 Oo dadka dalka Israa'iil oo dhan ayaa u barooran doona oo aasi doona, waayo, dadka Yaaraabcaam oo dhan isaga keliya ayaa xabaasha gelaya, maxaa yeelay, reer Yaaraabcaam isaga keliya ayaa laga helay wax ku wanaagsan xagga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 14 Oo weliba Rabbigu wuxuu sara kicin doonaa boqor u taliya dadkii Israa'iil, oo kaasuna maalintaas wuxuu baabbi'in doonaa reer Yaaraabcaam, laakiinse taasu waa goorma? Waa haddeer. 15 Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen. 16 Oo Rabbigu wuxuu dadka dalka Israa'iil u sii daynayaa dembiyadii Yaaraabcaam dembaabay oo uu dadka dalka Israa'iilna dembaajiyey aawadood.
17 Markaasay Yaaraabcaam bilcantiisii kacday oo tagtay, oo waxay timid Tirsaah; oo markay guriga iriddiisii soo gaadhay ayaa wiilkii dhintay. 18 Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu way aaseen, wayna u wada baroorteen siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay ee uu nebigii ahaa addoonkiisii Axiiyaah u soo dhiibay.
Bawlos Baa Ilaah Naxariistiisa U Mahadnaqay
12 Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay, 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan. 17 Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin.
18 Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid, 19 adigoo haysta iimaan iyo qalbi wanaagsan. Waxyaalahaas dadka qaarkood way iska tuureen, oo waxay iimaankooda ka dhigeen sida doonni burburtay. 20 Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya