Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 77

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.

77 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa,
Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka,
Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan,
Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa,
Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
Indhahaygii waad soo jeedisay,
Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
Waxaan ka fikiray wakhtigii hore,
Iyo sannadihii waa hore ahaa.
Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga,
Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga,
Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
Sayidku weligiisba ma i xoorayaa?
Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba?
Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan?
Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
10 Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda,
Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa,
Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan,
Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah,
Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya,
Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay,
Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen,
Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen,
Oo moolalkuna way gariireen.
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen,
Cirkuna wuxuu diray dhawaaq,
Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta,
Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida,
Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
19 Jidkaaguna badduu dhex maray,
Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan,
Oo raadadkaagana lama aqoon.
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale,
Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.

Ayuub 4

Eliifas

Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa?
Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay,
Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay,
Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa,
Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato,
Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin?
Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa,
Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa,
Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
10 Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii,
Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
11 Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa,
Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
12 Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay,
Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
13 Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan,
Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
14 Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay,
Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
15 Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray,
Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
16 Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay;
Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay;
Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
17 War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa?
Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
18 Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo;
Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
19 Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan,
Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro,
Oo sida balanbaallis u burbura!
20 Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan;
Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
21 Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo?
Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.

Efesos 2:1-10

Nimcada Ilaah Baa Lagu Badbaadaa

Idinku waxaad ku dhimateen xadgudubyadiinna iyo dembiyadiinna, kuwaas oo aad markii hore ugu socon jirteen sida socodka wakhtigan iyo sida madaxda xoogga hawada oo ah ruuxa haatan ka dhex shaqaynaya carruurta caasinimada. Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale. Laakiinse Ilaaha naxariista hodanka ka ahu wuxuu inagu jeclaaday jacaylkiisa weyn, oo sidaas daraaddeed markii aynu xadgudubyadeenna ku dhimannay wuxuu inala soo noolaysiiyey Masiix. Idinku nimco baad ku badbaaddeen. Oo innagana isagii buu inala soo sara kiciyey, oo wuxuu isagii inala fadhiisiyey meelaha jannada xagga Ciise Masiix, si uu wakhtiyada imanaya hodantinimada weyn oo nimcadiisa ugu muujiyo roonaanta uu inoogu qabo xagga Ciise Masiix. Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin. 10 Waayo, innagu waxaynu nahay wixii uu sameeyey, oo waxaa laynoogu uumay Ciise Masiix shuqullada wanaagsan aawadood oo Ilaah hore ugu diyaariyey inaynu ku soconno.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya