Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 147:1-11

147 Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa,
Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay,
Oo nabrahoodana wuu duubaa.
Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda,
Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay,
Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow,
Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
Rabbiga mahadnaqid ugu gabya,
Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
Kaasoo samada daruuro ku qariya,
Oo dhulka roob u diyaarsha,
Buurahana doog ka soo bixiya.
Wuxuu quud siiyaa xayawaanka,
Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10 Isagu kuma farxo xoogga faraska,
Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada,
Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.

Sabuurradii 147:20

20 Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn.
Xukummadiisiina ma ay garanaynin,
Rabbiga ammaana.

Ayuub 36:1-23

36 Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,
Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa,
Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.
Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa,
Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.
Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha;
Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.
Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado,
Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.
Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado,
Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.
Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah,
Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya,
Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
Oo haddii silsilado lagu xidho,
Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,
Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda,
Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.
10 Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda,
Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
11 Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan,
Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo,
Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.
12 Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan,
Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.
13 Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho,
Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.
14 Dhallinyaranimay ku dhintaan,
Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.
15 Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa,
Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.
16 Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa,
Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn,
Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.
17 Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa,
Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
18 Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid,
Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.
19 Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu
Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?
20 Habeenka ha doonin,
Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.
21 Iska jir oo xumaan ha u jeedin,
Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.
22 Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya;
Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
23 Jidkiisa yaa u amray?
Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?

1 Korintos 9:1-16

Wixii Rasuulkii Xaqiisu Ahaa Ayuu Sii Daayay

Miyaanan xor ahayn? Miyaanan rasuul ahayn? Miyaanan arkin Rabbigeenna Ciise? Miyeydnaan ahayn shuqulkayga xagga Rabbiga? Xataa haddaanan kuwa kale rasuul u ahayn, idinka waa idiin ahay, waayo, waxaad tihiin shaabadda rasuulnimadayda xagga Rabbiga. Daafacaaddayda aan kuwa i imtixaama iskaga daafaco waa tan. Miyaannan annagu jid u lahayn inaannu wax cunno oo wax cabno? Miyaannan jid u lahayn inaannu haweenay walaal ah kaxaysanno sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ay sameeyaan? Mise aniga iyo Barnabas oo keliyaan jid u lahayn inaannan shaqayn? Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin? Waxyaalahaas ma sida dad baan u leeyahay? Oo sharcigu miyuusan waxyaalahaas oo kale lahayn? Waayo, waxaa ku qoran sharciga Muuse, Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo. Ma Ilaah baa dibiyada oo keliya dhawra, 10 mise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo. 11 Haddaannu idinku beernay waxyaalaha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka idinka urursaano? 12 Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix. 13 Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin? 14 Sidaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaan. 15 Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin. 16 Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya