Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
35 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira,
Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
2 Gaashaan iyo gabbaad qaado.
Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
3 Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo,
Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
4 Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto,
Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
5 Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda,
Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
6 Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh,
Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
7 Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen,
Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
8 Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto,
Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado,
Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
9 Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa,
Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
10 Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah?
Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan,
Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
Warqad Ku Socota Maxaabiistii
29 Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan. 2 (Taasu waxay ahayd markii Boqor Yekonyaah, iyo boqoraddii hooyadiis ahayd, iyo bohommadii, iyo amiirradii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba ay Yeruusaalem ka tageen dabadeed.) 3 Oo wuxuu ugu sii dhiibay gacantii Elcaasaah ina Shaafaan, iyo Gemaryaah ina Xilqiyaah (oo uu boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa uu u diray Baabuloon iyo ilaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon,) isagoo leh, 4 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay, 5 Guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna. 6 Naago guursada, oo wiilal iyo gabdho dhala, oo wiilashiinnana naago u guuriya, oo gabdhihiinnana niman siiya, si ay iyaguna wiilal iyo gabdho u dhalaan, oo halkaasna ku tarma oo ha yaraanina. 7 Oo waxaad nabad u doondoontaan magaaladii aan idinka yeelay in laydiin kaxaysto idinkoo maxaabiis ah, oo iyada Rabbiga u barya, waayo, idinku nabaddeeda ayaad nabad ku heli doontaan. 8 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan. 9 Waayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa. 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan garanayaa fikirrada aan idiinku fikiro, waana fikirro nabadeed, oo ma aha kuwa masiibeed, si aan ugudambaystiinna rajo idiin siiyo. 12 Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa. 13 Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan. 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.
Jinnoolihii Reer Gadareni Oo La Bogsiiyey(A)
5 Waxay yimaadeen dhanka kale oo badda ilaa dalkii Gadareni. 2 Goortuu doonnidii ka degay, kolkiiba waxaa la kulmay nin xabaalaha ka soo baxay oo jinni wasakh leh qaba. 3 Isagu xabaalaha ayuu dhex fadhiyi jiray, oo ninna xataa silsilad kuma xidhi kari jirin. 4 Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay. 5 Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.
6 Laakiin goortuu Ciise meel fog ka arkay, ayuu ku soo orday oo u sujuuday. 7 Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin. 8 Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow. 9 Markaasuu weyddiiyey, Magacaa? Wuxuu ugu jawaabay, Waxaa lay yidhaahdaa, Liijon, waayo, annagu waa badan nahay. 10 Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin. 11 Buurta sinteedana waxaa joogay daaqsin weyn oo doofaarro ah oo daaqaysa. 12 Jinniyadii oo dhan baa baryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Noo dir doofaarrada inaannu galno. 13 Kolkiiba Ciise baa u fasaxay. Markaasaa jinniyadii wasakhda lahayd baxeen, oo waxay galeen doofaarrada, daaqsintiina jarka hoos bay uga yacday ilaa badda, baddayna ku bakhtiyeen, waxayna ahaayeen abbaaraha laba kun.
14 Markaasaa kuwii daajin jiray carareen, oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. 15 Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen. 16 Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada. 17 Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.
18 Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco. 19 Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay. 20 Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya