Revised Common Lectionary (Complementary)
Rabbiga Oo U Yeedhaya Samuu'eel
3 Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin. 2 Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin) 3 oo laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu'eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil, 4 ayaa Rabbigu Samuu'eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 5 Markaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday. 6 Markaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu'eelow. Kolkaasaa Samuu'eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso. 7 Haddaba Samuu'eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga. 8 Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu'eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka. 9 Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday. 10 Markaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu'eelow, Samuu'eelow. Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye.
11 Markaasaa Rabbigu Samuu'eel ku yidhi, Bal eeg, waxaan reer binu Israa'iil ku dhex samaynayaa wax ku alla kii maqlaaba uu ka nixi doono. 12 Oo maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka. 13 Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii. 14 Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan. 15 Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego. 16 Markaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan. 17 Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan. 18 Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga. 19 Oo Samuu'eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco. 20 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac way wada ogaayeen in Samuu'eel loo adkeeyey inuu ahaado Rabbiga nebigiis.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
Daahirla'aanta Iyo Nolosha Masiixigu Ma Wada Socdaan
12 Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan. 13 Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabbi'in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga, Rabbiguna jidhkuu xannaaneeyaa. 14 Ilaah waa sara kiciyey Rabbiga, innagana xooggiisa ayuu inagu sara kicin doonaa. 15 Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon. 16 Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh. 17 Laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux. 18 Ka carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa. 19 Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin, 20 waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.
43 Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac. 44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros. 45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf. 46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag. 47 Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn. 48 Markaasaa Nataana'el wuxuu ku yidhi, Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay. 49 Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil. 50 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi, Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn. 51 Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya