Revised Common Lectionary (Complementary)
111 Rabbiga ammaana.
Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa
Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
2 Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin,
Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
3 Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad,
Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
4 Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan,
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
5 Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada,
Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
6 Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa,
Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
7 Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid,
Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
8 Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba,
Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
9 Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho,
Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara,
Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda,
Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan,
Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
Caabudidda Ilaahyo Kale
13 Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab, 2 oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin, 3 waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale. 4 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah raacdaan oo ka cabsataan, oo waa inaad amarradiisa xajisaan oo codkiisa addeecdaan, waana inaad isaga u adeegtaan oo ku hadhaan. 5 Oo nebigaas ama riyaalowgaas waa in la dilaa, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay wax ku caasinimo ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar oo idinka soo furtay gurigii addoonsiga, si uu idiinka leexiyo jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray inaad ku socotaan. Oo sidaas waa inaad shar dhexdiinna uga saartaan.
Jinnoolayaashii Reer Gadareni(A)
28 Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin. 29 Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso? 30 Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa. 31 Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah, 32 oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday. 33 Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray. 34 Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.
Curyaankii La Bogsiiyey(B)
9 Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya