Revised Common Lectionary (Complementary)
148 Rabbiga ammaana.
Rabbiga samooyinka ka ammaana,
Meelaha sarsarena ka ammaana.
2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga,
Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga,
Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow,
Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen,
Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba,
Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
7 Rabbiga dhulka ka ammaana,
Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow,
Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
9 Buuro iyo kuro oo dhammow,
Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow,
Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow,
Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
12 Barbaar iyo hablow,
Odayaal iyo carruuray,
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga,
Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa,
Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa,
Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan,
Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow.
Rabbiga ammaana.
MAAHMAAHYADII
Dulucda Kitaabka
1 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
2 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta,
Oo loo garto erayada waxgarashada,
3 In la helo edbinta ku saabsan xigmadda,
Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
4 Si miyir loo siiyo garaadlaawaha,
Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
5 Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho,
Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
6 Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta,
Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa;
Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
Xigmadda Beenta Ah Iyo Tan Runta Ah
13 Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda. 14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina. 15 Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada. 16 Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh. 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya