Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim.
69 Ilaahow, i badbaadi,
Waayo, biyaa naftii ii keenay.
2 Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago,
Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
3 Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay,
Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
4 Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga,
Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin,
Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
5 Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda,
Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
30 Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa,
Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
31 Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi,
Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
32 Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin,
Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan,
Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
34 Samada, iyo dhulka, iyo badaha,
Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa,
Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa,
Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.
14 Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 15 Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale. 16 Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 17 Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono. 18 Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah. 19 Waxaan cidlada ku soo beeri doonaa geedaha la yidhaahdo kedar, iyo qudhac, iyo hadaas, iyo geedsaliid, oo lamadegaankana waxaan ka soo bixin doonaa geedaha ah beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuur, 20 in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.
29 Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya. 30 Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray. 31 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa. 32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii. 33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah. 34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya