Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 44

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo reer Qorax u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

44 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo
Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay,
Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda,
Oo cududdooduna ma ay badbaadin,
Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga,
Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga,
Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa,
Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo,
Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay,
Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah,
Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay,
Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa,
Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo,
Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
12 Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa,
Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
13 Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay,
Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
14 Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi,
Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
15 Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal,
Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya,
Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
17 Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin,
Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
18 Qalbigayagu dib uma noqon,
Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
19 Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka,
Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
20 Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga,
Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
21 Ilaah miyaanu waxaas baadhayn?
Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22 Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan,
Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow?
Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa,
Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25 Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay,
Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
26 Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso,
Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.

Hoosheeca 2:14-3:5

14 Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa. 15 Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday. 16 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay. 17 Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono. 18 Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan. 19 Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis. 20 Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa. 21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaan jawaabo, ayaa Rabbigu leeyahay. Waxaan u jawaabi doonaa samooyinka, oo iyana waxay u jawaabi doonaan dhulka. 22 Oo dhulkuna wuxuu u jawaabi doonaa hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, oo iyaguna waxay u jawaabi doonaan Yesreceel. 23 Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.

Maslaxaddii Hoosheeca Ee Afadiisa

Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah. Sidaas daraaddeed iyadaan ku soo iibsaday shan iyo toban xabbadood oo lacag ah, iyo xomeer iyo badh oo shaciir ah. Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa. Waayo, dadka Israa'iil wakhti dheer bay joogi doonaan boqorla'aan, iyo amiirla'aan, allabarila'aan, iyo tiirla'aan, eefodla'aan, iyo teraafiimla'aan. Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.

Kolosay 2:16-3:1

16 Haddaba ninna yuusan idinku xukumin wax ku saabsan cunto ama cabbid ama maalin iid ah ama bil dhalatay ama maalmaha sabtida, 17 kuwaas oo ah hooska waxyaalaha iman doona, laakiinse jidhka waxaa iska leh Masiixa. 18 Ninna yuusan abaalgudkiinna idinka dulmin isagoo idin oggolaysiinaya is-hoosaysiinta iyo malaa'ig caabudidda, oo dhex gelaya waxyaalaha uusan arkin, oo micnela'aan ugu kibraya maankiisa aadmiga, 19 oo aan xajisanayn Madaxa jidhka oo dhammu wax ka helo, oo xubnaha iyo seedaha isku haysta, oo kordhinta Ilaah ku kordha.

Nolosha Cusub Oo Ciise Masiix

20 Haddii aad Masiixa kala dhimateen waxyaalaha dunida ugu horreeya, maxaad sidii idinkoo dunida ku nool isaga hoosaysiisaan qaynuunnada, 21 kuwaas oo leh, Ha qaban, Ha dhadhamin, Ha taaban? 22 Waxyaalahaas oo dhan ayaa isticmaal ku wada baabba'aya. Qaynuunnadu waxay ka yimaadeen amarrada iyo cilmiga dadka. 23 Waxyaalahaasu sida haqiiqada ah waxay leeyihiin muuqasho xigmad ah xagga caabudidda qof naftiisa ku qasbo iyo is-hoosaysiinta iyo saxariirinta jidhka, laakiinse iyagu faa'iido ma leh ay ku hor joogsadaan dherjinta jidhka.

Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya