Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
GIMEL.
17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado,
Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
18 Indhahayga fur
Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
19 Socotaan dhulka ku ahay,
Haddaba amarradaada ha iga qarin.
20 Naftaydu waxay u xiisootay
Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
21 Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran,
Oo amarrada ka leexda.
22 Cay iyo ceeb iga fogee,
Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay,
Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
24 Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya,
Waana lataliyayaashayda.
DALED.
25 Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda,
Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
26 Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay,
Bal qaynuunnadaada i bar.
27 Jidka amarradaada i garansii,
Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
28 Naftaydu waxay la dhacdaa murug,
Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
29 Jidka beenta iga fogee,
Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
30 Waxaan doortay jidka aaminnimadaada,
Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
31 Markhaatifurkaaga waan xajiyaa,
Rabbiyow, ha i ceebayn.
32 Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada
Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
5 Oo Sayidka Rabbiga ciidammada ahu waa kan dhulka taabta oo dhulkuna wuu dhalaalaa, oo kuwa deggan oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar. 6 Waa isaga kan qolladihiisa sare samada ka dhistay, oo hoygiisa hoose ee isku qabtana dhalka ku aasaasay, oo intuu biyaha badda u yeedha dhulka korkiisa ku daadiya, magiciisuna waa Rabbi. 7 Dadka Israa'iilow, sow aniga ilama mid ahidin sida reer Itoobiya? ayaa Rabbigu leeyahay. Sow anigu reer binu Israa'iil kama soo bixin dalkii Masar? Reer Falastiinna sow kama soo bixin Kaftoor, reer Suuriyana sow kama soo bixin Qiir? 8 Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay. 9 Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto. 10 Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.
Soo Celintii Israa'iil
11 Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore, 12 inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay. 13 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti kan beerta falaa uu soo gaadhi doono kan gooya, oo kan canabka ku tuntaana wuxuu soo gaadhi doonaa kan iniinaha beera, oo buurahana waxaa ka soo daadan doona khamri macaan, oo kuraha oo dhammuna way wada dhalaali doonaan. 14 Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan. 15 Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.
41 Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay. 42 Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay? 43 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ha ka gunuunecina dhexdiinna. 44 Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa. 45 Waxaa ku qoran kitaabbadii nebiyada, Kulligood Ilaah baa wax bari doona. Mid kasta oo Aabbaha wax ka maqlay oo ka bartay waa ii yimaadaa. 46 Ma aha in nin arkay Aabbaha, kii Ilaah ka yimid mooyaane. Isagu waa arkay Aabbaha.
47 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah. 48 Anigu waxaan ahay kibista nolosha. 49 Awowayaashiin waxay cidlada ku cuneen maannada, oo ay dhinteen. 50 Tanu waa kibistii samada ka soo degtay, in qof kasta cuno oo uusan dhiman. 51 Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya