Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 7

Kanu waa sabuur Shiggayoon ah oo Daa'uud Rabbiga ugu gabyay, oo ku saabsan Kuush oo ahaa reer Benyaamiin.

Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane,
Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey,
Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah,
(Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado,
Oo isagu ha igu tunto,
Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
Rabbiyow, cadhadaada la kac,
Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda,
Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen,
Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
Rabbigu dadyowga buu u garsooraa,
Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah,
Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10 Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha
Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Ilaah waa xaakin xaq ah,
Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12 Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa,
Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
13 Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada,
Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
14 Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan,
Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday,
Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa,
Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
17 Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay,
Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.

Caamoos 5:1-9

Baroor Iyo U Yeerid In La Toobadkeeno

Dadka Israa'iilow, maqla eraygan aan idiinku barooranayo. Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Magaaladii ay kuni ka bixi jireen boqol baa u hadhi doona, oo tii ay boqoli ka bixi jireenna toban baa dadka Israa'iil u hadhi doona. Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane. Laakiinse Beytel ha doondoonina, Gilgaalna ha gelina, Bi'ir Shebacna ha u gudbina, waayo, sida xaqiiqada ah Gilgaal maxaabiisnimo bay geli doontaa, oo Beytelna way baabbi'i doontaa. Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona, kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura. Doondoona kan sameeyey ururrada xiddigaha ah oo la yidhaahdo Toddobaadyada iyo Oriyon, oo gudcurka subaxnimo u beddela, oo maalintana madoobeeya si ay habeen u noqoto, kan biyaha badda u yeedha oo dhulka ku daadiya, magiciisu waa Rabbi. Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

Matayos 25:31-46

Maalinta Xisaabta

31 Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. 32 Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. 33 Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. 34 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.

41 Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42 Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43 Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44 Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya