Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.
52 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan,
Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
8 Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
9 Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.
10 Way neceb yihiin kii iridda wax ku canaanta, oo way karhaan kii si qumman u hadla. 11 Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan. 12 Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya. 13 Haddaba kii miyir lahu wakhtigaas wuu aamusnaan doonaa, waayo, waa wakhti shar ah. 14 Wanaagga doondoona, sharkase ha doondoonina, aad noolaataane, oo sidaasuu Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu idiinla jiri doonaa sidaad u tidhaahdaan. 15 Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay. 16 Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho. 17 Oo beercanabyada oo dhanna waxaa jiri doonta baroorasho, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin dhex mari doonaa.
5 Wadaad sare oo kasta, oo dadka laga dhex bixiyo, waxaa dadka loogu doortaa waxyaalaha Ilaah ku saabsan, inuu hadiyado iyo allabaryoba u bixiyo dembiyada aawadood. 2 Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay. 3 Oo sidaas daraaddeed waa inuu qudhiisa wax ugu bixiyo dembiyada aawadood, siduu dadka wax ugu bixiyo oo kale. 4 Ninna murwadda iskama qaato, laakiin waa kii Ilaah ugu yeedho siduu Haaruun ugu yeedhay. 5 Sidaas oo kale Masiixu isma ammaanin inuu noqdo wadaad sare, laakiin waxaa doortay kan ku yidhi,
Adigu waxaad tahay Wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
6 Meel kalena wuxuu ka yidhi.
Adigu weligaaba wadaad baad tahay
Sidii derejadii Malkisadaq.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya