Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Labaad 5:1-14

Baraskii Nacamaan Ee La Bogsiiyey

Haddaba Nacamaan oo ahaa sirkaalkii ciidanka boqorka Suuriya wuxuu ahaa nin xagga sayidkiisa ku weyn oo ciso leh, maxaa yeelay, isaga ayaa Rabbigu reer Suuriya lib ku siiyey; oo weliba wuxuu ahaa nin xoog leh, laakiinse baras buu qabay. Oo reer Suuriyana guutooyin bay ku baxeen, oo waxay dalkii Israa'iil ka soo dhaceen gabadh yar, oo iyana Nacamaan bilcantiisa ayay u adeegi jirtay. Oo waxay sayidaddeedii ku tidhi, Hoogay, haddii sayidkaygu hor tegi lahaa nebiga Samaariya jooga wuu ka bogsiin lahaa baraskan. Oo mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi. Markaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah. Oo wuxuu u keenay boqorkii dalka Israa'iil warqaddii lahayd, Haddaba markii warqaddanu kuu timaado, bal eeg, addoonkayga Nacamaan ah ayaan kugu soo diray si aad baraska uga bogsiisid. Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo. Oo markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo. Markaasaa Nacamaan yimid, isagoo wata fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, oo wuxuu soo hor istaagay albaabkii gurigii Eliishaa. 10 Oo Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa. 11 Laakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo. 12 War Abaanaah iyo Farfar oo ah webiyadii Dimishaq sow kama wanaagsana biyaha dalka Israa'iil oo dhan? Bal miyaanan iyaga ku maydhan karin oo nadiif ahaan karin? Sidaas daraaddeed wuu noqday, oo wuxuu tegey isagoo cadhaysan. 13 Laakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo? 14 Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.

Sabuurradii 30

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey in la gabyo markii Gurigii loo furay Ilaah.

30 Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay,
Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.
Rabbiyow, Ilaahayow,
Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.
Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool,
Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.
Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya,
Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya,
Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga,
Habeenka waxaa jirta oohin,
Laakiinse aroorta farxad baa timaada.
Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi,
Weligay dhaqdhaqaaqi maayo.
Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato,
Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay.
Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday,
Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta?
Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa?
10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso,
Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.
11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar,
Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,
12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin.
Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.

Galatiya 6:1-6

Waano

Walaalayaalow, nin haddii xadgudub lagu qabto, kuwiinna Ruuxa raaca midka caynkaas ah ku soo celiya qabow, adigoo isdhawraya si aan adna laguu jirrabin. Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa. Haddii nin isu maleeyo inuu weyn yahay isagoo aan waxba ku fillayn, wuu iskhiyaaneeyaa. Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono. Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.

Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

Galatiya 6:7-16

Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa. Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah. Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin. 10 Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

Dhammaadka

11 Bal eega xuruufta waaweyn oo aan gacantayda idiinku soo qoray. 12 Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga. 13 Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan. 14 Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay. 15 Waayo, gudniinta iyo buuryoqabnimada midna waxba ma tarto, laakiinse waxaa wax tara abuurid cusub. 16 In alla intii qaynuunkan ku socota, iyo Israa'iilka Ilaahba, nabad iyo naxariisuba dushooda ha ahaadeen.

Luukos 10:1-11

Toddobaatankii Xerta Ahaa Shuqulladoodii

10 Waxaa dabadeed Rabbigu wuxuu soo bixiyey toddobaatan kale, oo laba laba ayuu hortiisa u diray ilaa magaalo walba iyo meel walba oo uu tegi lahaa. Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro. Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira. Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina. Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato. Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa. Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina. Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna. Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay. 10 Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay.

Luukos 10:16-20

16 Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.

Toddobaatankii Ayaa Soo Noqday

17 Toddobaatankii farxad ayay la soo noqdeen, iyagoo leh, Sayidow, xataa jinniyadu magacaaga ayay nooga dambeeyaan. 18 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan arkay Shayddaankoo sida hillaac samada uga soo dhacaya. 19 Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono. 20 Laakiin tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in magacyadiinnu ay jannada ku qoran yihiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya