Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 85

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

85 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay,
Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
Xumaantii dadkaagana waad cafiday,
Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay,
Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi,
Oo dhirifkaaga naga jooji.
Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa?
Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn,
Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
Rabbiyow, naxariistaada na tus,
Oo badbaadadaada na sii.
Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo,
Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa,
Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada,
Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen,
Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka,
Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan,
Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo,
Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.

Hoosheeca 5

Xukunkii Ku Dhacay Israa'iil

Wadaaddadow, tan maqla, oo dadka Israa'iilow, dhegaysta, oo reerka boqorkow, dhegta u dhiga, waayo, xukun baa idinku dhacaya, maxaa yeelay, waxaad ahaydeen dabin Misfaah ku yaal, iyo shabag Buur Taaboor ku kala fidsan. Oo caasiyiintii aad iyo aad bay layntii ugu dheeraadeen, aniguse kan dhammaantood canaanta baan ahay. Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen. Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin. Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga. Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga. Rabbiga khiyaano ayay kula macaamiloodeen, waayo, waxay dhaleen carruur garacyo ah, haddaba bil baa lagu baabbi'in doonaa iyaga iyo waxoodaba.

War buunka Gibecaah ka afuufa, turumbadana Raamaah, oo Beytaawen ka dhawaaqa. Reer Benyaamiinow, waa laydin daba socdaa. Dalka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona. 10 Amiirrada dalka Yahuudah waxay la mid yihiin kuwa durkiya calaamada soohdinta. Cadhadayda ayaan ugu dul shubi doonaa sida biyaha oo kale. 11 Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan. 12 Haddaba sidaas daraaddeed reer Efrayim waxaan u ahay sida balanbaallista oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan u ahay sida waxa qudhmay oo kale. 13 Reer Efrayim markuu arkay cudurkiisa, oo dadka Yahuudahna ay dhaawacooda arkeen, markaasaa reer Efrayim wuxuu tegey dalka Ashuur, oo wuxuu u cid dirsaday Boqor Yaareeb. Laakiinse isagu ma awoodo inuu ku bogsiiyo, oo dhaawacaaga kaa dawayn maayo. 14 Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono. 15 Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.

Falimaha Rasuullada 2:22-36

22 Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin, 23 markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen. 24 Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin. 25 Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi,

Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray,
Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.
26 Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey;
Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.
27 Maxaa yeelay, naftayda [a]Haadees kuma dayn doontid,
Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
28 Waxaad i tustay jidadka nolosha,
Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.

29 Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal. 30 Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono, 31 wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag. 32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay. 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan. 34 Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh,

Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi,
Midigtayda fadhiiso
35 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

36 Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya