Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 52

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii Do'eeg oo reer Edom ahaa uu Saa'uul u yimid oo u sheegay oo ku yidhi, Daa'uud waa yimid Axiimeleg gurigiisa.

52 Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa?
Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.
Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn,
Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta,
Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah)
Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan,
Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba,
Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada,
Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah)
Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan,
Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan,
Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu,
Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan,
Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
Laakiinse anigu waxaan la mid ahay sida geed qoyan oo saytuun ah, oo guriga Ilaah ku dhex yaal,
Anigu weligay iyo weligayba waxaan isku hallaynayaa naxariista Ilaah.
Weligayba waan kugu mahadnaqayaa, maxaa yeelay, adigu waad samaysay,
Oo magacaaga ayaan wax ku rajaynayaa, waayo, wuu ku wanaagsan yahay quduusiintaada hortooda.

Caamoos 6

Hoogga Kuwa Caajisan

Waxaa iska hoogay kuwa Siyoon xasilloonaan ku nool, oo buurta Samaariya ammaan ku deggan, kuwaasoo ah kuwa caanka ah ee madaxda quruumaha oo dadka Israa'iil u yimaadaan! Kalneh u gudba oo bal eega, oo halkaasna ka sii taga Xamaad tan weyn, dabadeedna waxaad sii tagtaan Gad ta reer Falastiin. Iyagu miyey ka wanaagsan yihiin boqortooyooyinkaas? Dalkoodu miyuu ka weyn yahay dalkiinna? Waxaa iska hoogay kuwiinna maalintii sharka fogeeya, oo ka dhiga fadhigii dulmiga inuu soo dhowaado, oo sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira, oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud, oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata. Haddaba sidaas daraaddeed iyagu waxay haatan raaci doonaan kuwa marka hore maxaabiis ahaanta loo kaxaysan doono, oo diyaafadda kuwa iskala bixin jiray waa dhammaan doontaa.

Rabbiga Oo Karhay Kibirkii Yacquub

Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa. Oo haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan. 10 Oo markii nin adeerkiis oo ah kan isaga gubi doona uu kor u qaado inuu lafaha guriga ka soo bixiyo, oo uu ku yidhaahdo kan guriga gudihiisa shishe ku jira, War weli ma qaar baa kula jooga? Oo isna uu yidhaahdo, Maya, markaasuu ku odhan doonaa, War naga aamus, waayo, waa inaannan magaca Rabbiga soo qaadin. 11 Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac. 12 Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar. 13 Waxaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga? 14 Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.

Luukos 8:4-10

Masaalka Ku Saabsan Beerreyga(A)

Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal. Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay. Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn. Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay. Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

Micnayntii Masaalka(B)

Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan? 10 Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya