Revised Common Lectionary (Complementary)
97 Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo,
Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
2 Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur,
Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.
3 Waxaa hortiisa socda dab,
Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
4 Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey,
Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
5 Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale,
Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.
6 Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa,
Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
7 Kuwa sanamyada la qoray u adeega
Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen,
Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
8 Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday,
Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
9 Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan,
Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
10 Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada,
Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
11 Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin,
Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.
12 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa,
Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.
18 Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, ammaantaada i tus. 19 Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto. 20 Oo wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo. 21 Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn, 22 oo markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo; 23 oo haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.
14 Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa. 15 Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray. 16 Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco. 17 Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix. 18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya