Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 148

148 Rabbiga ammaana.
Rabbiga samooyinka ka ammaana,
Meelaha sarsarena ka ammaana.
Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga,
Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga,
Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow,
Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen,
Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba,
Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
Rabbiga dhulka ka ammaana,
Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow,
Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
Buuro iyo kuro oo dhammow,
Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow,
Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow,
Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
12 Barbaar iyo hablow,
Odayaal iyo carruuray,
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga,
Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa,
Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa,
Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan,
Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow.
Rabbiga ammaana.

Yexesqeel 2:8-3:11

Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun. Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban. 10 Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil. Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey. Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.

Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal. Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil. Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen. Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Bal eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda. Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin. 10 Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal. 11 Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.

Muujintii 10

Malaa'igta Xoogga Weyn Iyo Buugga Yar

10 Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah, oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka, oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen. Oo markii toddobadii onkod onkodeen, waxaan ku dhowaa inaan wax qoro; markaasaan maqlay cod samada ka leh, Shaabad ku xidh waxyaalaha toddobada onkod ay ku onkodeen, oo ha qorin.

Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay, oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba. Laakiinse wakhtiga codka malaa'igta toddobaad markay ku dhow dahay inay ka dhawaajiso ayaa waxaa dhammaan doona qarsoodiga Ilaah siduu ugu bishaareeyey nebiyadii addoommadiisa ahaa.

Oo haddana waxaan mar kale maqlay codkii aan samada ka maqlay oo igu leh, Tag oo qaado buugga furan oo ku jira gacanta malaa'igta ku taagan badda iyo dhulka. Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale. 10 Markaasaan buuggii yaraa ka qaatay malaa'igta gacanteedii, waanan cunay, oo intuu afkayga ku jiray wuxuu u macaanaa sida malab oo kale; oo markii aan cunay ayaa calooshaydii qadhaadh noqotay. 11 Oo iyana waxay igu tidhi. Waa inaad mar kale wax ka sii sheegtid dad badan iyo quruumo badan iyo afaf badan iyo boqorro badan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya