Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur mahadnaqid ah.
100 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
2 Rabbiga farxad ugu adeega,
Oo hortiisa gabay la kaalaya.
3 Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay,
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii,
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
4 Irdihiisa mahadnaqid la gala,
Barxadihiisana ammaan.
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
5 Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa,
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.
Qaybintii Dhulka
45 Oo weliba markaad dhulka saami dhaxal ahaan ugu qaybsataan, waa inaad Rabbiga qurbaan ka siisaan, kaasoo ah dalka qaybtiisa quduuska ah. Meeshaas dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna waa inuu ahaadaa toban kun oo cawsduur. Oo meeshaas hareeraheeda ku wareegsan oo dhammu waa inay quduus wada ahaadaan. 2 Oo waa in taas meesha quduuska ah looga yeelaa jago dhererkeedu yahay shan boqol, oo ballaadhkeeduna yahay shan boqol, oo afar gees ah, oo waa in konton dhudhun agagaarkeeda laga dhigaa. 3 Oo intaasna waa inaad ka qiyaastaa meel dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun, ballaadhkeeduna yahay toban kun, oo waxaa dhexdeeda ku oolli doona meesha quduuska ah taas oo ah meesha ugu wada quduusan. 4 Waa dalka qaybtiisa quduuska ah, oo waxaa iska leh wadaaddada ah kuwa meesha quduuska ah ka adeega oo u soo dhowaado inay Rabbiga u adeegaan. Oo waxay ahaan doontaa meel ay guryo ka dhistaan, iyo meel quduus ah oo ay daarta quduuska ahu ku dhex taal. 5 Oo meesha dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo ballaadhkeeduna yahay toban kun waa inay hanti ahaan u ahaataa reer Laawi oo daarta ka adeega, taas iyo labaatan qolladood. 6 Oo hantida magaalada waa inaad doorataan, taasoo ah meel ballaadhkeedu yahay shan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ay ag taal qaybta quduuska ah, oo taasna waxaa iska lahaan doona reer binu Israa'iil oo dhan. 7 Oo meesha qurbaanka quduuska ah iyo meesha ay hantida magaaladu ku dhex taal dhinacoodan iyo dhinacoodaasba waxaa iska lahaan doona amiirka, meesha qurbaanka quduuska ah horteeda iyo meesha ay hantida magaaladu ku taal horteeda, dhinaca galbeed xaggiisa galbeed iyo dhinaca bari xaggiisa bariba, oo dhererkoodu waa inuu la mid noqdaa qaybaha middood soohdinteeda galbeed iyo soohdinteeda bari inta ka dhex leh. 8 Oo taasu waxay amiirka u ahaan doontaa hantida uu reer binu Israa'iil ku dhex leeyahay, oo amiirradayduna waa inayan mar dambe dadkayga dulmin, laakiinse dalka waa inay reer binu Israa'iil u siiyaan siday qabiilooyinkoodu kala yihiin.
9 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirrada reer binu Israa'iilow, intaasu ha idinku filnaato. Dulmiga iyo dhicidda joojiya, oo garsoorid iyo caddaalad sameeya, oo baaddiinnana dadkayga ka fogeeya, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
Butros Dad Buu Ku Bogsiiyey Ludda
32 Oo waxaa dhacay intuu Butros marayay dhinacyada oo dhan inuu u yimid quduusiintii Ludda degganayd. 33 Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa. 34 Markaasaa Butros wuxuu ku yidhi, Ayne'asow, Ciise Masiix baa ku bogsiinaya; kac oo sariirtaada gogol. Oo markiiba wuu kacay. 35 Kuwii Ludda iyo Sharoon degganaana waa arkeen, oo Rabbigay u soo jeesteen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya