Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
67 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee,
Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)
2 In jidkaaga laga ogaado dhulka,
Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed,
Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad,
Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
5 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
6 Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii,
Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
7 Ilaah waa ina barakayn doonaa,
Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.
Faa'iidada Xigmadda
2 Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid,
Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid,
Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
3 Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid,
Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
4 Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale,
Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
5 Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa,
Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
Bawlos Iyo Barnabas Way Kala Tageen
36 Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin. 37 Barnabas wuxuu doonayay inay kaxaystaan Yooxanaa oo la odhan jiray Markos. 38 Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin. 39 Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus; 40 laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah. 41 Oo wuxuu dhex maray Suuriya iyo Kilikiya isagoo kiniisadihii xoogaynaya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya