Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 133

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

133 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay
Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa,
Oo ku soo dareertay gadhka,
Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun,
Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
Waana sida dharabka Buur Xermoon,
Oo ku soo dega buuraha Siyoon,
Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako,
Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.

Samuu'eel Labaad 1:4-27

Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen. Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa, oo u soo warramay, War sidee baad u ogaatay in Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba ay dhinteen? Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, wuxuu ku yidhi, Markaan si lamafilaan ah Buur Gilboca u soo gaadhay, waxaan arkay Saa'uul oo ku tiirsan warankiisii, gaadhifardoodkii iyo fardooleydiina aad bay u eryanayeen. Oo markuu gadaashiisa dhugtay ayuu i arkay, oo ii yeedhay. Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waa i kan. Markaasuu igu yidhi, Yaad tahay? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Nin reer Camaaleq ah baan ahay. Oo isna wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, bal i soo ag joogso, oo i dil, waayo, wareer baa i haya; waayo, weli naftii waa igu jirtaa. 10 Saas aawadeed waan ag joogsaday oo waan dilay, maxaa yeelay, waan hubay markuu dhacay dabadeed inuusan noolaanayn; oo markaasaan ka soo qaaday taajkii madaxa u saarnaa, iyo dugaagaddii gacanta ugu jirtay, waanan kuu keenay, sayidkaygiiyow. 11 Markaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; oo raggii isaga la jiray oo dhammuna saasoo kalay wada yeeleen, 12 wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen. 13 Kolkaasaa Daa'uud ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay nin qalaad wiilkiis oo reer Camaaleq ah. 14 Daa'uudna wuxuu ku yidhi isagii, Sidee baad uga cabsan weyday inaad gacantaada u qaaddo Rabbiga kiisa subkan? 15 Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay. 16 Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.

Daa'uud Oo U Baroortay Saa'uul Iyo Yoonaataan

17 Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, 18 oo wuxuu ku amray inay carruurta dalka Yahuudah baraan gabayga qaansada; oo bal eeg, kaasu wuxuu ku qoran yahay kitaabka Yaashaar.

19 Reer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare!
Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!
20 Haddaba taas Gad ha ku sheegina,
Oo jidadka Ashqeloonna ha ku caddaynina;
Waaba intaasoo ay naagaha reer Falastiin ku farxaane,
Waaba intaasoo ay buuryoqabyada naagahoodu ku guulaystaane.
21 Buuraha Gilbocow,
Dharab iyo roob midna yaan laydinku arkin, beerihii qurbaanyadu ka bixi jireenna yaanay jirin,
Waayo, kuwii xoogga lahaa gaashaankoodii ayaa halkaas lagu tuuray,
Xataa gaashaankii Saa'uul oo ahaa sida mid aan saliid lagu subkin.
22 Kuwii la laayay dhiiggoodii, iyo kuwii xoogga lahaa xaydhoodii,
Yoonaataan qaansadiisii dib ugama ay soo noqon,
Oo Saa'uul seeftiisiina madhnaan kuma ay soo noqon.
23 Intay noolaayeen Saa'uul iyo Yoonaataan waxay ahaayeen kuwo la jecel yahay, oo macaan,
Markay dhinteenna, lama kala geeyn,
Gorgorrada way ka dheereeyeen,
Libaaxyadana way ka xoog badnaayeen.
24 Gabdhaha reer binu Israa'iilow, Saa'uul u ooya,
Kii dhar cas si raaxa leh idiin huwiyey,
Oo dharkiinnana dahab ku sharraxay.
25 Kuwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen!
Yoonaataan waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare.
26 Anigu daraaddaa baan u dhibtooday, walaalkay Yoonaataanow;
Adigu aad baad iigu macaanayd,
Oo jacaylkaad ii qabtay wuxuu ahaa mid yaab leh,
Oo xataa caashaqa naagaha dhaafaya.
27 Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen,
Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!

Falimaha Rasuullada 11:27-30

Barnabas Iyo Sawlos Waxaa Loo Diray Yeruusaalem

27 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan. 28 Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos. 29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga, 30 oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya