Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 97

97 Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo,
Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur,
Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.
Waxaa hortiisa socda dab,
Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.
Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey,
Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.
Buurihii waxay Rabbiga hortiisa ugu dhalaaleen sidii shamac oo kale,
Iyagoo hor jooga Sayidka dhulka oo dhan.
Samooyinku waxay sheegaan xaqnimadiisa,
Oo dadyowga oo dhammuna waxay arkaan ammaantiisa.
Kuwa sanamyada la qoray u adeega
Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen,
Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
Rabbiyow, Siyoon way maqashay, wayna faraxday,
Oo gabdhihii reer Yahuudahna waxay ku reyreeyeen garsooriddaadii.
Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan,
Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
10 Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada,
Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
11 Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin,
Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.
12 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa,
Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.

Falimaha Rasuullada 1:1-11

FALIMAHA RASUULLADA

Bilowga Kitaabkan

Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay. Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah. Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen, waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.

Ciise Kor Buu U Baxay(A)

Sidaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil? Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay. Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog. Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay. 10 Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba, 11 oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa.

Sabuurradii 47

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.

Sabuurradii 93

93 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad,
Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog,
Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore,
Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen,
Webiyadii codkooday kor u qaadeen,
Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
Biyaha badan codkooda,
Iyo mawjadaha badda oo waaweynba
Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal,
Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.

Efesos 1:15-23

Bawlos Baryadiisii

15 Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed 16 ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa, 17 in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin. 18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta, 19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya. 22 Wax kastana wuxuu ka hoosaysiiyey cagihiisa, oo wuxuu isaga madax wax kasta ka sarreeyaa uga dhigay kiniisadda, 23 taas oo ah jidhkiisa oo ah buuxidda kan wax kasta meel walba ku buuxiya.

Luukos 24:44-53

44 Wuxuu ku yidhi, Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa. 45 Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka. 46 Wuxuuna ku yidhi, Sidaasay u qoran tahay, Waa inuu Masiixu silco, oo uu maalinta saddexaad kuwa dhintay ka soo sara kaco, 47 iyo in toobaddii iyo dembidhaafka magiciisa lagu wacdiyo quruumaha oo dhan oo laga bilaabo Yeruusaalem. 48 Idinkuna waxyaalahaas ayaad markhaati ka tihiin. 49 Oo bal eega, waxaan idiin soo dirayaa ballankii Aabbahay, laakiin magaalada jooga ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare.

Ciise Kor Buu U Baxay(A)

50 Markaasuu iyaga kaxeeyey ilaa meel ku dhow Beytaniya, oo intuu gacmihii kor u qaaday ayuu barakeeyey. 51 Waxaa dhacay intuu barakaynayay inuu ka tegey, oo waxaa kor loogu qaaday samada. 52 Markaasay isaga caabudeen, oo waxay Yeruusaalem kula noqdeen farxad weyn; 53 oo goor walbaba macbudka ayay ku jireen iyagoo Ilaah ammaanaya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya