Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 100

Kanu waa sabuur mahadnaqid ah.

100 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
Rabbiga farxad ugu adeega,
Oo hortiisa gabay la kaalaya.
Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay,
Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii,
Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
Irdihiisa mahadnaqid la gala,
Barxadihiisana ammaan.
Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.
Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa,
Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.

Yeremyaah 50:17-20

17 Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday. 18 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale. 19 Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.

Yooxanaa 10:31-42

Colaaddii Yuhuudda

31 Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan. 32 Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan? 33 Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso. 34 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanay ku qorrayn sharcigiinna, Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo? 35 Hadduu Ilaah kuwii ereygiisu u yimid ku sheegay ilaahyo (oo Qorniinkana lama jebin karo), 36 ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay? 37 Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina. 38 Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro. 39 Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.

40 Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay, 41 oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen. 42 Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya