Revised Common Lectionary (Complementary)
7 Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta. 8 Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo. 9 Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.
Sabuur
98 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan,
Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii,
Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil,
Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya,
Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
5 Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta,
Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
6 Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya
Turumbooyin iyo buunan.
7 Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen,
Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
8 Webiyadu ha sacbiyeen,
Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo,
Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana caddaalad.
WARQADDII LOO QORAY DADKII
CIBRAANIYADA
Bilowga Kitaabkan
1 Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii, 2 laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey. 3 Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa, 4 isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.
Wiilka Ilaah Waa Ka Sarreeyaa Malaa'igaha
5 Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi,
Adigu waxaad tahay Wiilkayga,
Maantaan ku dhalay?
Oo weliba,
Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe,
Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?
6 Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen. 7 Oo xagga malaa'igahana wuxuu ka yidhi,
Wuxuu malaa'igihiisa ka dhigaa dabaylo,
Kuwa u adeegana dab ololkiis.
8 Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi,
Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis;
Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.
9 Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
10 Oo,
Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay,
Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,
11 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa;
Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan,
12 Oo sida go' baad u laallaabi doontaa,
Sida dhar bayna u beddelmi doonaan;
Adiguse sidaadii uun baad tahay
Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
INJIILKA SIDA
YOOXANAA
U QORAY
Bilowgii
1 Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. 2 Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. 3 Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis. 4 Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka. 5 Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.
6 Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa. 7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan. 8 Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo. 9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
10 Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga. 11 Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga. 12 Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay, 13 oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah. 14 Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya