Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
79 Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii,
Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen,
Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
2 Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada,
Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale,
Cid aastaana ma jirin.
4 Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii,
Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa?
Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
6 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon,
Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
7 Waayo, waxay laayeen reer Yacquub,
Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
8 Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo,
Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado,
Waayo, aad baa lanoo dhibay.
9 Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi,
Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
10 Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh?
Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii
Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
11 Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado,
Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
12 Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari,
Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.
13 Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada
Waannu kugu mahadnaqaynaa weligayo,
Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.
Buurtii Rabbiga
4 Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan. 2 Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem. 3 Oo isaguna dadyow badan buu u kala garsoori doonaa, oo quruumaha xoogga badan oo meel fog joogana wuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan. 4 Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay. 5 Waayo, dadyowga oo dhan mid kastaaba wuxuu ku socon doonaa magaca ilaahiisa, oo annaguna waxaannu ku socon doonnaa magaca Rabbiga Ilaahayaga ah weligayo iyo weligayoba.
Riyadii Lagu Arkay Toddobadii Fijaan Iyo Toddobadii Belaayo
15 Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.
2 Markaasaan arkay wax u eg bad muraayad ah oo dab ku dhex qasan yahay iyo kuwii iyagoo guulaysan ka yimid xaggii bahalkii iyo xaggii sanamkiisii iyo xaggii nambarkii magiciisa, oo dul taagan baddii muraayadda ahayd iyagoo haysta kataaradihii Ilaah. 3 Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run. 4 Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.
5 Oo waxyaalahaas dabadood waxaan arkay macbudkii taambuugga markhaatifuridda oo samada ku jira oo la furay. 6 Markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay toddobadii malaa'igood oo haystay toddobada belaayo, oo waxay qabeen dhar daahir ah oo dhalaalaya, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suuman dahab ah. 7 Oo afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool. 8 Markaasaa macbudkii waxaa ka buuxsamay qiiq ka yimid xagga ammaanta Ilaah iyo xagga xooggiisa; oo ninna ma uu geli karin macbudkii ilamaa la dhammeeyo toddobadii belaayo oo ay toddobadii malaa'igood haysteen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya