Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 85:1-2

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

85 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay,
Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
Xumaantii dadkaagana waad cafiday,
Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)

Sabuurradii 85:8-13

Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo,
Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa,
Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada,
Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen,
Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka,
Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan,
Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo,
Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.

Yexesqeel 36:24-28

24 Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii. 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba. 26 Oo weliba waxaan idin siin doonaa qalbi cusub, oo ruux cusubna waan idin gelin doonaa; jidhkiinnana qalbigii dhagaxa ahaa baan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa qalbi jiidh ah. 27 Oo Ruuxayga ayaan idin dhex gelin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inaad qaynuunnadayda ku socotaan, xukummadaydana waad xajin doontaan, waadna samayn doontaan. 28 Oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan awowayaashiin siiyey, oo dadkaygii baad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.

Markos 11:27-33

Ciise Amarkiisii Baa Wax Laga Weyddiiyey(A)

27 Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii. 28 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso? 29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo. 30 Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba. 31 Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 32 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay. 33 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya