Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 125

Gabayga meelokoridda.

125 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa
Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin
Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay,
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah,
Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee,
Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan
Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Malaakii 3:16-4:6

16 Markaasaa kuwii Rabbiga ka cabsaday midkood baa midka kale la hadlay, oo Rabbiguna wuu dhegaystay oo wuu maqlay, oo hortiisa kitaab xusuuseed baa loogu qoray kuwii Rabbiga ka cabsaday, iyo kuwii magiciisa ka fiirsaday. 17 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega. 18 Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.

Maalinta Rabbiga

Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona. Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale. Oo waxaad ku tuman doontaan kuwa sharka ah oo dhan, waayo, maalinta aan saas sameeyo iyagu waxay ahaan doonaan sida dambas cagihiinna ka hooseeya, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

Xusuusta addoonkaygii Muuse sharcigiisii, kaasoo aan ku amray isagoo jooga Buur Xoreeb oo aan u siiyey reer binu Israa'iil oo dhan daraaddood, waxaana weeye qaynuunno iyo xukummo. Bal eega, maalinta weyn oo cabsida badan oo Rabbigu intaanay iman waxaan idiin soo diri doonaa Nebi Eliiyaah. Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.

Markos 9:9-13

Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin. 10 Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay? 11 Markaasay waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado? 12 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run in Eliyaas horta imanayo oo wax walba soo celinayo. Oo sidee uga qoran tahay xagga Wiilka Aadanaha inuu wax badan ku xanuunsan doono oo la nici doono? 13 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas waa yimid, oo wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen siday uga qoran tahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya