Revised Common Lectionary (Complementary)
96 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.
2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana,
Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega,
Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
4 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano.
Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
5 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo,
Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
6 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin,
Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.
7 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana,
Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
8 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay,
Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.
9 Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
10 Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya,
Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin,
Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.
11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo,
Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
12 Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed,
13 Waayo, isagu waa imanayaa,
Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo.
Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana runtiisa.
Wax Kasta Xilli Bay Leeyihiin
3 Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah, wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiin wakhti go'an. 2 Waxaa jira wakhti la dhasho, iyo wakhti la dhinto; wakhti wax la beero, iyo wakhti wixii la beeray la gurto; 3 wakhti wax la dilo, iyo wakhti wax la bogsiiyo; wakhti wax la dumiyo, iyo wakhti wax la dhiso; 4 wakhti la ooyo iyo wakhti la qoslo; wakhti la baroorto, iyo wakhti la cayaaro; 5 wakhti dhagaxyo la xooro, iyo wakhti dhagaxyo la soo ururiyo; wakhti laysku duubo, iyo wakhti iskuduubidda la daayo; 6 wakhti wax la doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti wax la sii haysto iyo wakhti wax la xooro; 7 wakhti wax la jeexjeexo, iyo wakhti wax la tolo; wakhti la aamuso iyo wakhti la hadlo; 8 wakhti wax la jeclaado iyo wakhti wax la necbaado; wakhti dagaaleed, iyo wakhti nabdeed.
17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho. 18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya