Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ishacyaah 61:1-4

Sannaddii Barakada Rabbiga

61 Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada, iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo, iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo. Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.

Ishacyaah 61:8-11

Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah. Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.

10 Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda. 11 Waayo, sida dhulku biqilkiisa u soo bixiyo, iyo sida beertu wixii lagu dhex abuuray u soo bixiso, ayaa Sayidka Rabbiga ahu ka dhigi doonaa in xaqnimo iyo ammaanu ay quruumaha oo dhan ka soo hor baxaan.

Sabuurradii 126

Gabayga meelokoridda.

126 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,
Carrabkeennana gabay,
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,
Oo aynu ku faraxsan nahay.
Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi
Sida durdurrada koonfureed.
Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

Luukos 1:46-55

46 Maryanna waxay tidhi,

Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,
47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
48 Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa,
Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.
49 Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey;
Magiciisuna waa Quduus,
50 Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa
Kuwa isaga ka cabsada.
51 Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa,
Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.
52 Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey
Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.
53 Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey,
Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.
54 Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey
Inuu xusuusto inuu u naxariisto
55 Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba
(Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

1 Tesaloniika 5:16-24

16 Had iyo goorba farxa. 17 Joogsila'aanna tukada. 18 Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix. 19 Ruuxa ha deminina. 20 Wax sii sheegiddana ha quudhsanina. 21 Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya. 22 Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.

23 Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado. 24 Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.

Yooxanaa 1:6-8

Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa. Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan. Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo.

Yooxanaa 1:19-28

Maraggii Yooxanaa Baabtiisihii Uu Ciise U Furay(A)

19 Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay? 20 Isagu waa qirtay, mana uu inkirin, oo wuxuu qirtay oo yidhi, Anigu ma ihi Masiixa. 21 Markaasay weyddiiyeen, Haddaba yaad tahay? Ma Eliyaas baad tahay? Wuxuuna yidhi, Ma ihi. Ma nebigii baad tahay? Wuxuuna ku jawaabay, Maya. 22 Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa? 23 Wuxuu yidhi, Waxaan ahay codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga toosiya, siduu nebi Isayos u yidhi. 24 Kuwa la soo diray waxay ka yimaadeen Farrisiinta. 25 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii? 26 Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin 27 oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo. 28 Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya