Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
27 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa?
Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?
2 Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan,
Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
3 In kastoo ciidan col ah i ag dego,
Qalbigaygu cabsan maayo,
In kastoo dagaal igu soo kaco,
Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
4 Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa,
Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga,
Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
5 Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa,
Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa,
Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.
6 Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan,
Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh,
Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.
7 Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal,
Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.
8 Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi,
Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
9 Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin,
Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin,
Caawimaad baad ii ahayde,
Ha i xoorin, hana i dayrin.
10 Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen,
Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood
Jidkaaga i bar,
Oo igu hoggaami waddo bannaan.
12 Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda,
Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
13 Waan itaal darnaan lahaa haddaanan rumaysnayn
Inaan wanaagga Rabbiga ku arkayo dalka kuwa nool.
14 Rabbiga sug,
Adkayso, oo qalbigaagu ha dhiirranaado,
Haah, Rabbiga sug.
7 Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya. 8 Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada. 9 Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan. 10 Kan sharka ah haddii raalli laga noqdo isagu innaba xaqnimo ma barto, oo dalka qummanaanta ayuu caddaaladdarro ku samayn doonaa, oo haybadda Rabbigana ma uu fiirin doono.
11 Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona. 12 Rabbiyow, nabad baad na siin doontaa, oo weliba shuqulladayadii oo dhan baad noo wada samaysay. 13 Rabbiyow, Ilaahayagow, sayidyo kale oo aan adiga ahayn ayaa noo talin jiray, laakiinse adiga keliya ayaannu xusuusannaa oo magacaaga soo qaadnaa. 14 Iyagu way dhinteen, soona noolaan maayaan, way baabbe'een, soona sarakici maayaan, oo sidaas daraaddeed waad soo booqatay oo baabbi'isay, oo xusuustoodii oo dhanna waad tirtirtay. 15 Quruunta waad kordhisay, Rabbiyow, quruunta waad kordhisay, oo adiga waa lagu ammaanay, oo dalka soohdimihiisii oo dhanna waad wada ballaadhisay.
37 Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa? 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah. 39 Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho. 40 Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan. 41 Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof.
Sidii Ay Masiixiyiintu U Soo Wada Jiri Jireen
42 Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya