Revised Common Lectionary (Complementary)
7 Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay. 8 Rajadii reer binu Israa'iilow, Badbaadiyahoodii wakhtiga ay dhibaataysan yihiinow, bal maxaad dalka dhexdiisa ugu noqonaysaa qariib iyo sidii nin socdaal ah oo u soo leexda inuu habeen ku hoydo? 9 Bal maxaad u noqonaysaa sidii nin amankaagay, iyo sidii nin xoog badan oo aan waxba badbaadin karin? Laakiinse Rabbiyow, adigu waad na dhex joogtaa, oo annana magacaagaa naloogu yeedhaa, haddaba ha naga tegin.
10 Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.
19 Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya! 20 Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay. 21 Magacaaga aawadiis waan ku baryayaaye, Ha na karaahsan oo arshigii sharaftaadana ha sharafjebin, bal na soo xusuuso, oo ha nagu axdi furin. 22 Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo Gitiid lagu luuqeeyo.
84 Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
2 Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa,
Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.
3 Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri,
Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho,
Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow,
Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.
4 Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan,
Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
5 Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado,
Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.
6 Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh,
Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.
7 Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan,
Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
6 Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid. 7 Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray. 8 Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa.
16 Isdaafacaaddaydii hore ninna isma kay garab taagin, laakiinse kulli waa layga wada tegey. Taas yaan dushooda laga dhigin. 17 Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa. 18 Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin.
Farrisigii Iyo Cashuurqaadihii
9 Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday. 10 Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade. 11 Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan. 12 Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa. 13 Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh. 14 Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya