Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda.
121 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa,
Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa
Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo,
Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa
Ma gam'i doono, mana seexan doono.
5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga,
Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto.
Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta,
Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
43 Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen? 44 Haddaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. 45 Markaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey. 46 Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen. 47 Laabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed. 48 Laabaanna wuxuu yidhi, Maanta taalladanu waa markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. Sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Galceed, iyo Misfaah, 49 waayo, wuxuu yidhi, Rabbigu ha dhawro aniga iyo adiga dhexdeenna markaynu kala maqan nahay. 50 Haddaad gabdhahayga dhibtid, ama aad naago kale gabdhahayga la guursatid, ninna inalama joogo, balse ogow, Ilaah baa markhaati dhexdeenna ka ah aniga iyo adiga. 51 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Bal eeg taalladan, oo bal fiiri tiirka aan ina dhex dhigay aniga iyo adiga. 52 Taalladanu markaati ha ka noqoto, tiirkuna markhaati ha ka noqdo, inaanan taalladan kuugu soo dhaafayn inaan wax ku yeelo, adna aadan taalladan iyo tiirkan iigu soo dhaafayn inaad wax i yeeshid. 53 Kan ah Ilaaha Ibraahim, iyo Ilaaha Naaxoor, iyo Ilaaha aabbahood, ha ina kala xukumo innaga. Yacquubna wuxuu ku dhaartay Kan aabbihiis Isxaaq ka cabsado. 54 Yacquubna allabari buu buurtii ku bixiyey, walaalihiisna wuxuu ugu yeedhay inay wax cunaan; cuntadiina way cuneen, habeenkii oo dhanna buurtay joogeen. 55 Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.
Yacquub Oo Isu Diyaarinaya Inuu Ceesaw La Kulmo
32 Yacquubna jidkiisii buu iska qaaday, malaa'igihii Ilaah baana ka hor yimid. 2 Yacquubna markuu iyagii arkay wuxuu yidhi, Kanu waa ciidankii Ilaah. Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Maxanayim.
Kadigidda Muranka
14 Waxyaalahan iyaga xusuusi oo Rabbiga hortiisa ku amar inayan hadal ku murmin, waayo, kaasu faa'iido ma leh, laakiinse kuwa maqla ayuu sii kharribaa. 15 Ku dadaal inaad nafsaddaada loo bogay Ilaah siisid, adigoo ah shaqeeye aan dadka ka xishoonin, oo hadalka runta ah si hagaagsan u wada. 16 Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola'aanta, 17 oo hadalkoodu sida waraabowgu u faafo ayuu u sii faafi doonaa; iyaga waxaa ka mid ah Humenayos iyo Fileetos, 18 oo ah kuwa xagga runta ka gefay iyagoo leh, Sarakicidda waa horaa la soo dhaafay, oo qaar bay iimaanka ka halleeyaan. 19 Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola'aanta ha ka tago. 20 Haddaba kuma jiraan guri weyn weelal dahab iyo lacag keliya ahi, laakiinse waxaa kaloo yaal kuwo qoryo iyo dhoobo ah; oo qaarkoodna wax sharaf leh ayay taraan, qaarna wax aan sharaf lahayn. 21 Sidaas daraaddeed haddii nin iska daahirsho kuwan, kaasu wuxuu ahaan doonaa weel sharaf leh, oo quduus laga dhigay, oo sayidka wax u tara, oo shuqul kasta oo wanaagsan loo diyaariyey. 22 Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah. 23 Iska diid su'aalaha nacasnimada iyo jaahilnimada ah, adigoo og inay dagaallo dhalaan. 24 Addoonka Rabbigu waa inuusan ilaaqtamin, laakiin waa inuu ahaado mid dadka u wada roon, oo waxbaridda ku wanaagsan, oo dulqaadasho badan, 25 oo si qabow u edbiya kuwa isaga diida; mindhaa Ilaah waa siin doonaa toobadkeenid inay runtay gartaan, 26 oo ay dabinka Ibliiska ka baxsadaan, iyagoo lagu qabtay si ay muraadkiisa u yeelaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya