Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 62

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.

62 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya,
Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan,
Inaad kulligiin isaga dumisaan,
Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan,
Oo waxay ku farxaan beensheegidda,
Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug,
Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah,
Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba,
Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa,
Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
Hubaal dad gun ahu waa xumbo,
Oo dad gob ahuna waa been,
Markii la miisaamo way kor mari doonaan,
Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
10 Dulmiga ha isku hallaynina,
Waxdhiciddana ha ku kibrina.
Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
11 Ilaah mar buu hadlay,
Oo laba goor baan maqlay,
In Ilaah xoogga iska leeyahay,
12 Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay,
Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.

Hoosheeca 12:2-14

Oo weliba Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka Yahuudah, oo wuxuu reer Yacquub u ciqaabi doonaa si waafaqsan jidadkooda, oo wuxuu u abaalmarin doonaa si waafaqsan falimahooda. Yacquub markuu uurka ku jiray walaalkiis buu cedhibta ku dhegay, oo markuu nin noqdayna Ilaah buu la dagaallamay. Haah, oo wuxuu la dagaallamay malaa'igtii, wuuna ka adkaaday, wuuna ooyay oo baryay. Wuxuu isagii ka helay Beytel, oo halkaasuu nagula hadlay. Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto. Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.

Dadkaygu waa baayacmushtari, oo waxaa gacanta ugu jira kafadihii khiyaanada, waxay jecel yihiin inay wax dulmaan. Oo reer Efrayim wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah taajir baan noqday, oo maal baan helay, oo innaba hawlahayga oo dhan lagama heli doono xumaan dembi ah. Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inaad mar kale teendhooyin degganaataan sidii wakhtigii iidda. 10 Oo weliba waxaan la hadlay nebiyadii, oo waxaan badiyey waxyaalo aan tusay, oo nebiyadana waxaan u soo dhiibay masaalooyin. 11 Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale. 12 Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey. 13 Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay. 14 Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.

Matayos 19:16-22

Nin Dhallinyar Oo Hodan Ah Baa Doonayay Nolosha Weligeed Ah(A)

16 Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo? 17 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr. 18 Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin. 19 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay. 20 Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman? 21 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22 Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya