Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Bilowgii 32:22-31

Legdankii Yacquub

22 Kolkaasuu kacay habeenkaas, oo wuxuu kaxaystay labadiisii naagood, iyo labadiisii addoommood, iyo koob iyo tobankiisi carruurta ahayd, oo wuxuu ka gudbiyey tog Yabboq marinkiisii. 23 Wuuna kaxeeyey iyagii oo wuxuu u diray durdurka shishadiisa, wixii uu haystayna wuu gudbiyey. 24 Markaasuu Yacquub keligiis hadhay, nin baana la legdamayay isaga ilaa markii waagu beryayay. 25 Oo markuu arkay inuusan ka adkaanayn ayuu taabtay godkii bowdadiisa, bowdadii Yacquubna way murkacatay, intuu la legdamayay isagii. 26 Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane. 27 Mar kaasuu ku yidhi isagii, Magacaa? Isna wuxuu yidhi, Yacquub. 28 Markaasuu ku yidhi, Magacaaga hadda ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa'iil; waayo, Ilaah iyo dadba waad la dagaallantay, waanad ka adkaatay. 29 Yacquubna wuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg magacaaga. Oo wuxuu yidhi, Bal maxaad u haybsanaysaa magacayga? Halkaasuuna ku barakeeyey. 30 Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay. 31 Qorraxdiina waxay soo baxday markuu Fenuu'eel dhaaftay, isna bowdadiisii buu ka dhutinayay.

Sabuurradii 121

Gabayga meelokoridda.

121 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa,
Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa
Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo,
Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa
Ma gam'i doono, mana seexan doono.
Kan ku dhawraa waa Rabbiga,
Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto.
Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta,
Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba
Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.

2 Timoteyos 3:14-4:5

14 Laakiinse adigu ku sii soco waxyaalihii aad baratay oo aad hubsatay, adigoo garanaya kuwii aad ka baratay; 15 tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto. 16 Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; 17 in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.

Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa, inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya. Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin. Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

Luukos 18:1-8

Masaalka Ku Saabsan Carmalka Iyo Xaakinka

18 Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh, Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin. Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii. Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn, weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin. Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi. Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin? Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya