Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 111

111 Rabbiga ammaana.
Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa
Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin,
Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad,
Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan,
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada,
Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa,
Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid,
Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba,
Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho,
Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara,
Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda,
Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan,
Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

Tirintii 4:34-5:4

Tirintii Qolooyinka Reer Laawi

34 Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii shirku waxay reer Qohaad u tiriyeen qolo qolo iyo reer reer, 35 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd, ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo. 36 Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton. 37 Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

38 Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey, 39 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo, 40 xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon. 41 Oo kuwanuna waa kuwii qolooyinkii reer Gershoon, ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay amarkii Rabbiga ku tiriyeen.

42 Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey, 43 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo, 44 xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol. 45 Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

46 Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen, 47 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd xataa ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo u geli jiray si uu shuqulka hawsha u sameeyo, iyo si uu alaabta teendhada shirka u qaado, 48 xataa kuwoodii la tiriyey waxay ahaayeen siddeed kun iyo shan boqol iyo siddeetan. 49 Oo sidii amarka Rabbigu ahaa ayaa loogu tiriyey gacantii Muuse, mid walba sidii hawshiisu ahayd iyo sidii waxqaadkiisu ahaa, oo isagii sidaasuu iyagii u tiriyey sidii Rabbigu Muuse ugu amray.

Daahirkii Xerada

Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay. Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay. Oo reer binu Israa'iilna sidaasay yeeleen, oo iyagii xerada dibaddeeday geeyeen, oo sidii Rabbigu Muuse kula hadlay ayaa reer binu Israa'iil yeeleen.

2 Timoteyos 2:1-7

Haddaba, wiilkaygiiyow, ku xoogayso nimcada Ciise Masiix ku jirta. Oo waxyaalihii aad markhaatiyaal badan dhexdood igaga maqashay ku ammaanee niman aamin ah oo awooda inay kuwa kaleeto baraan. Dhibaato ka qayb qaado sida askari wanaagsan oo Ciise Masiix. Nin askari ahi, si uu uga farxiyo kii isaga askari ahaanta u qortay, iskuma murgiyo axwaasha noloshan, weliba haddii nin galo cayaaraha loo loollamo, taaj looma saaro hadduusan sida qaynuunka ah u loollamin. Ninka beerta leh ee hawshoodaa waa inuu ahaadaa kan ugu horreeya oo midhaha ka qayb qaata. Waxaan leeyahay ka fiirso, waayo, Rabbigu wuxuu ku siin doonaa wax walba garashadooda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya