Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey. Maskiil.
32 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
2 Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin,
Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.
3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen,
Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
4 Waayo, habeen iyo maalinba gacantaadu way igu cuslayd,
Oo qoyaankaygii wuxuu u beddelmay sidii engegga diraacda. (Selaah)
5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin,
Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga,
Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
6 Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo,
Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.
7 Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa,
Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)
8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
9 Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
10 Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul,
Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
11 She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin,
Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?
24 Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh,
Si uu uga tago She'oolka hoose.
25 Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh,
Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.
26 Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa,
Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.
27 Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa,
Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.
28 Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo,
Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.
29 Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay,
Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.
30 Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa,
Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.
31 Dhegtii canaanta nolosha maqashaa
Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.
32 Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa,
Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.
33 Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda,
Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.
WARQADDII LABAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
KORINTOS
Salaan Iyo Mahadnaqid
1 Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga. 2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
3 Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan, 4 kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray. 5 Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay. 6 Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno. 7 Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh. 8 Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay. 9 Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay. 10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono; 11 idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya