Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda.
123 Kaaga samooyinka dhex fadhiyow,
Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.
2 Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda,
Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda
Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah,
Ilaa uu noo naxariisto.
3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso,
Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.
4 Naftayadii waxaa aad uga batay
Qosolka kuwa istareexsan
Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
Bildad
25 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh,
Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa.
3 Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin?
Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?
4 Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado?
Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado?
5 Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh,
Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.
6 Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu!
Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!
Ayuub
26 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2 Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn!
Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
3 Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn!
Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
4 Yaad erayo kula hadashay?
Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?
5 Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan
Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.
6 She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan,
Oo Halligaadduna dabool ma leh.
7 Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan,
Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.
8 Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn;
Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.
9 Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa,
Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.
10 Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin
Kala xidha nuurka iyo gudcurka.
11 Tiirarka samadu way gariiraan,
Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.
12 Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa,
Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.
13 Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa,
Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.
14 Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun;
Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa!
Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?
Ciise Wuxuu Caddeeyey Inuu Aabbihiis Isku Halleeyo
19 Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa. 20 Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan. 21 Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo. 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
24 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan. 26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado. 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha. 28 Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, 29 wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya