Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
62 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya,
Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
3 Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan,
Inaad kulligiin isaga dumisaan,
Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
4 Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan,
Oo waxay ku farxaan beensheegidda,
Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
5 Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug,
Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
7 Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah,
Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
8 Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba,
Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa,
Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo,
Oo dad gob ahuna waa been,
Markii la miisaamo way kor mari doonaan,
Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
10 Dulmiga ha isku hallaynina,
Waxdhiciddana ha ku kibrina.
Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
11 Ilaah mar buu hadlay,
Oo laba goor baan maqlay,
In Ilaah xoogga iska leeyahay,
12 Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay,
Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
Rabbiga Oo Karhay Kibirkii Yacquub
8 Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa. 9 Oo haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan. 10 Oo markii nin adeerkiis oo ah kan isaga gubi doona uu kor u qaado inuu lafaha guriga ka soo bixiyo, oo uu ku yidhaahdo kan guriga gudihiisa shishe ku jira, War weli ma qaar baa kula jooga? Oo isna uu yidhaahdo, Maya, markaasuu ku odhan doonaa, War naga aamus, waayo, waa inaannan magaca Rabbiga soo qaadin. 11 Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac. 12 Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar. 13 Waxaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga? 14 Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.
Warqaddii Kiniisadda La'odikiya Loo Diray
14 Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;
Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan; 15 Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood. 16 Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa. 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan. 18 Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid. 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen. 20 Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn. 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa. 22 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya